Shariif:-“Hal Caqabad Ayaa Naga Haysato in aan u Guurno Caasimadda KGS’,+Dhageyso

0

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Shiikh aadan oo wareysi gaar ah siiyay Tv-ga Universal ayaa sheegay in Maamulkiisa uu hal caqabad ugu guuri la’ yahay xarunta Degmada Baraawe oo dastuurka Maamulka uu qeexayo in ay tahay Caasimadda Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa sheegay in Magaalada Baraawe in aysan laheyn Garoon Diyaaradeed taasina ay tahay caqabada ugu weyn ay ugu guuri la’ yihiin Magaaladas, islamarkaana caasimadd KMG ah ay ka dhigteen Magaalada Baydhabo.

“Caqabada baraawe aan ugu guuri la’ nahay waa ugu weyn in Magaalada aysan laheyn Garoon Diyaaradeed, balse hay’adda caalami ah ayaa naga gacan siinaysa in la dhiso Garoon Diyaaradeed, hadii lagu guuleysto si deg deg ah ayaan ugu guuri doonaa”, ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Soomaliya Shariif Xasan Shiikh aadan.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Soomaliya Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa sheegay in Maamulkiisa uu ka shaqeyn doono sidii loo hormarin lahaa amaanka deeganada Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya, islamarkaana laga ciribtiro Xarakada Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here