Madaxweyne Jamhuuriyadda Fedreraalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa goordhaweyd xuska 15-ka May Malinta Dhalinyarada Soomaliyeed awgeed ubax xusuus ah dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Dhalinyarada Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan munaasabadda 15-ka May oo ah maalinta dhalinyarada Soomaliyeed, Islamarkaana ku beegan sannadguuradii 74-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ururkii SYL sanadkii 1943-dii.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo waxaa Munaasabadda Ubax dhiga ku wehliyey xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Somalia, , mas’uuliyiinta Gobalka Banaadir iyo qaar ka mid ah Ururrada Bulshada Rayidka.

















