DF oo Ka Codsatay Bankiyada Caalamka in Xayiraada Lacagaha Ka Qaadaan Soomaliya

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxmed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka codsaday Bankiyada  caalamiga in xayiraada  dhanka lacagaha ay ka qaadaan Soomaliya  si kor looqu qaado dib u dhiska dhaqaalaha dalka.

Waxaa Madaxweynaha uu sheegay in hay’adaha lacagaha dalka ay la’hardamayaan caqabado kaga yimaada dhiggooda dibadda iyadoo intaas ay dheertahay halganka dalka loogu jiro xaqiijinta nabadgalyada.

Madaxweyanha Soomaaliya oo hadalkan jeediyay intii lagu guda jiray shirkii magaalada London ee dalka Britain ayaa sheegay in maamulka dowlada  ay qaadi doonto talaabooyin  ku aadan in wadanka uu hiigsado mustaqbal horay u socod leh iyo in la’qaado xayiraadda dhanka lacagaha oo uu sheegay in marnaba aysan dhiira gelin doonin maalgeshiga iyo  sare u qaadista heerarka kala duwan ee Ganacsiga.

“Marka ay timado horumarinta dhanka dhaqaalaha hantida ugu weyn ee aynu heysano waa  dhiiro gelinta qeybaha kala duwan ee dadkeyga si ay ugu talaabaan qatarta dhaqaalaha”

Waxaa Madaxweynaha uu sheegay in isku geynta lacagaha soomaaliya loo soo diro sanadkii ay gaarayaan $2 Billion balse waxa uu tilmaamay in  caqabado ay kala kulmaan bankiyada boqortooyada Britain iyo mareykanka oo xayiraad dul dhigay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here