Waxaa laga joogaa 74 sano maalintii dhidibadda loo taagay SYC oo markii danbe SYL isku bedeshay 15 May 1945. Inkastoo aysan lahayn aqoon sare hadana dhalintii SYL ee curiyey fekerka gobanimo doonka waxa lahaayeen awood iyo karti ay kula falgalaan isbedelka iyo dhacdooyinka dalkooda iyo dunida ka socday.
Waxay lahaayeen hami sare, deeqsinimo iyo karti nafhurnimo. Marna yididiilada kama dhiman, iskuma dhiibin aragtida shirqoolka iyo quusta. Waxay ka dhiidhiyeen dulmiga iyo duliga gumaysiga. Waxay lahaayeen ruux ku dhac iyo dhiirasho ay kaga gudbaan caqabadaha, kulana qabsadaan aragtida cusub. Ma ahayn rag u qafaalan fikirka iyo aragtida habsanka iyo saaqidnimada ee qabiilku salka u yahay.
Kaalintoodu waxay ahayd “Xorayn” waxaa nasiib daro wayn ah in jiilaalkii iyagaa ka danbeeyey ee “Horumarka” looga fadhiyey ay ku fashilmeen kaalintoodii. Jiilkii SYL waxay ku taamayeem qaran madaxbanaan oo ay Soomaalidu gobanimo, midnimo iyo sharaf ku hoos harsato. Waxay fursad dhiiro gelin, iskaashi iyo waayo aragnimo is dhaafsi ka heleyeen dhaq dhaqaaqyadii gobanimo doonka ahaa ee Afrika, dunida Carabta iyo Islaamka ka jiray.
Fashilka ay keeneen jiilalkii saaqiday ee iyaga ka danbeeyey wuxuu ina dhaxalsiiyey habsan iyo dib u dhac wayn oo gaaray in aysan jirin cid aan maanta la garabsano caqabadaha ina horyaala, sababtoo dunidii way inagga tagtay. Waxa keli ee ina badbaadin kara waa feker cusub oo hal abuur ku dhac iyo dhiirasho leh dibna u cusboonaysiiya ruuxdeena dadnimo iyo damiirkeena bani’aadanimo, si aan kaga gudubno qoqobka iyo qabyaaladda.

