Xoosh:-“Hadii Shalay Ajnabi Qorey Dastuurka, Maanta Annagaa Gacanteena Ku Qoranayno”,+Dhageyso

0

Wasiirka Wasaaradda Mudane Avv Cabdi Xoosh Jibriil oo Muqdisho kaga qeyb galay Shir loogu hadlay arrimaha dastuurka dalka ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go’antahay in Dastuurka lagu dhameeystiro waqti go’an iyada oo la sameeynayo wadatashiyo ballaaran.

“Maanta waxaa sharaf weyn inoo ah in Wasaaradda ay soo diyaariso shirkan, inaga waxaa inaga go’an in Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka uu noqdo mid Waqtiyaaysan oo 2 sano ku soo dhamaada islamarkaana noqdo mid daahfuran oo wadatashiyo badan laga sameeyay, Haddii shalay dhaliishu aheyd ajnabi ayaa qeyb ka ahaa qorista dastuurka, maanta waxaan rabnaa in aan annaga gacanteena ku sameysano mid ay Soomaali leedahay”, ayuu yiri Wasiir  Avv Cabdi Xoosh Jibriil.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here