Ciidamada Ilaaladda Hantidhowraha qaranka Soomaliya oo watay gaari kuwa dagaalka ah ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen gaari uu la socday Wasiirkii Wasaaradda Hawlaha Guud iyo dib u dhiska Xil. Cabbaas Sheekh Cabdullaahi Siraaji oo marayay agagaarka Xarunta Madaxtooyadda Soomaliya.
Shaki ay muujiyaan Ciidamada ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya islamarkaana ah ilaaladda Hantidhowraha qaranka Soomaliya Dr Nuur Faarax Jimcaale ayaa la sheegay in loo rasaaseeyay wasiirkii ugu da’ yaraa wasiiradda Xukuumadda Xasan Cali Kheyre oo la magacaabay bishii March aynu soo dhaafnay.
Waa Dhacdaii ugu horey ee dadka reer Muqdisho ay maqlaan kadib markii wasiir ka Tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaliya loo dilay shaki ay muujiyeen Ciidamo.

