Warar haatan soo gaaray idaacadda Simba ayaa ku waramaya in israsaaseen ka dhacday Magaalada muqdisho goordhaweyd in uu ku dhintay Wasiirkii Wasaaradda Hawlaha Guud iyo dib u dhiska Xil. Cabbaas Sheekh Cabdullaahi Siraaji.
Ilo lagu kalsoonan karo ayaa inoo sheegay in wasiirka gaari uu watay oo marayay agagarka Madaxtooyadda Soomaliya uu la kulmay israsaseen goobta ka dhacday islamarkaana uu wasiirka soo gaaray dhaawac culus oo loogu qaaday mid kamid ah isbitaaladda Magaalada Muqdisho.
Warar soo soo baxaya ayaa sheegay in Wasiirkii Wasaaradda Hawlaha Guud iyo dib u dhiska Xil. Cabbaas Sheekh Cabdullaahi Siraaji. In uu u dhintay dhaawaca soo gaaray.

