Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya Eng C/raxmaan Cusmaan Yariisow ayaa bartiisa bulshada ku xaqiijiyay in Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda rasaas ay fureen uu ku dhintay Wasiirkii Wasaaradda Hawlaha Guud iyo dib u dhiska Xil. Cabbaas Sheekh Cabdullaahi Siraaji oo marayay agagaarka Xarunta Madaxtooyadda Soomaliya.
“Allaha u naxariisto Wasiirka Howlaha Guud ee Dowladda Federaalka Cabaas oo gaari uu saarnaa ay xabad ku fureen ciidanka waxaana socda baaris, Wasiir Cabaas waxuu ahaa wasiir aad u firfircoon oo dhalinyaro ah tusaale wanaagsana u ahaa dhalinta Soomaliyeed”, ayuu yiri Eng Yariisow.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa tagay goordhaweyd Isbitaalka la geeyey meydka Wasiirka Howlaha Guud Xil. Cabbaas Sheekh Cabdullaahi Siraaji, waxuuna u direy tacsi tiiraanyo leh qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeed oo uu ka tagey wasiirku.

