Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dawladaha Hoose ee Dawlada Puntland ayaa soo saartay Amaro lagu xoojinayo amniga magaalada Boosasao ee xarunta gobolka Bari.
Amaradan oo ku socda Maamulka Gobolka Bari, maamulka degmada Boosaaso iyo Hay’adaha amniga, ayaa salka ku haya qorshayaal kor loogu qaadayo amniga, xilli Puntland ay tuhunsan tahay inay dhici karto qorshayaal ay Shabaab ku doonayaan inay Weeraro uga geystaan Boosaaso.




