Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir “Dr Aweys Shiikh C/llaahi” oo warqad qoraal ah soo saaray ayaa mar ku bixiyay soo Qabasho iyo horkeenid maxkamadeed oo ka dhan ah Agaasimihii Wasaaradda Warfaafinta ee shaqada laga joojiyay “C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi” iyo “Xasan Samatar Cali” oo ahaa madaxii Maaliyadda ee Wasaarada Warfaafinta.
9-kii bishan ayay aheyd markii Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Yariisow oo shaqo ka fariisin ku sameeyay Agaasimihii Wasaaradda Warfaafinta C/risaaq Yuusuf Bahlaawi, kaddib markii uu ku eedeeyay maamul xumo iyo musuq maasuq.


