Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Galmudug State Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka galmudug ayaa sheegay in dib loo bilaabi doono wada-hadalkiii Ahlusuna Waljameeca iyo Galmudug kadib markii uu burburay wajigii Kowaad.
Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Galmudug State ayaa tilmaamay in wada-hadalka Ahlusuna iyo Galmudug uu dib u bilaaban doono marka Magaalada Cadaado lagu soo gaba-gabeeyo doorashada Madaxweynaha Cusub ee Dowladd Goboleedka galmudug, oo 3-da bishaan Cadaado ka dhacaysa.
Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Galmudug State Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) ayaa tilmaamay in wsaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumada federaalka Soomaliya ay ka shaqeynayso sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-hadalka madaamada lagu fashilmay In laga mira dhaliyo wadajigii kowaad ee wada-hadalka oo muqdisho ka dhacay.
Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna Waljameeca ayaa Muddo Todobaad ah waxa uu wada-hadal ugu socday Magaalada Muqdisho e caasimadda Soomaliya, balse is mari waa kadib waxaa burburay wada-hadalkii.

