Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka qaxootiga ee UNHCR oo war soo saartay maalintii shalay aheyd ayaa sheegtay in lasoo celiyay qaar ka mid ah 61,665-qof oo qaxooti Soomaali ah oo ku jirey xeryaha qaxootiga Kenya tan iyo markii la bilaabay December 2014-kii barnaamijka dib usoo celinta.
UNHCR ayaa sheegtay in war lasoo saaray Todobaakaan lagu sheegay in lasoo celiyay 836-qof oo qaxooti ah, islamarkaana laga taageerayay sidii ay si nabad ah ugu noqon lahaayeen guryahooda.
Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegty in 22,351 oo ka mid 61,665 oo qaxooti ah in la taageeray sanadkaan 2017 oo keliyah.
Si kastaba ha ahaatee, UNHCR ayaa sheegtay in duulimaadyada Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi oo haatan la fududeeyay ay sidoo kale u sahlnayaan qaxootiga doonaya in ay kusoo laabtaan Magaalada muqdisho.

