Axmed Madoobe:-“Qabyaalada iyo Nin Jeclaysiga ayaa Heerkaan Nasoo Gaarsiiyay”,

0

Madaxweynaha Maamulka Jubba-lnad Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in Qabyaalada iyo nin jeclaysiga umadda Soomaliyeed la dageen mudo dheer waxa kaliyah ee lagaga bixi karana ay tahay in Xarumaha Ciidamada Qabyaalada laga suuliyo oo la helo Ciidan uu daraysu mideeyo taasna meelaha ugu wanaagsan ee ay ka jirto ay Jubbaland tahay.

“Qabyaalada iyo nin jeclaysig ayaa heerkaan nasoo gaarsiiyay,waxa kaliyah ee lagaga bixi karo arintaas waa in Xarumaha Ciidamada Qabyaalada laga suuliyo oo la helo Ciidan uu daraysu mideeyo taasna meelaha ugu wanaagsan ee ay ka jirto ay Jubbaland tahay, taasi hadii la helo,waxaa soo laabanaya Sumcadda umadda Soomaliyeed”, ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Jubba-land.

Sarakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Jubba-land iyo Kuwa Xoogga dalka Soomaliyeed ayuu Madaxweynahaha maamulka Jubba-land ku booriyay in ay sii laba jibaaran hawsha adag ee ay hayaan taas oo uu xusay in wax wanaagsan oo miro dhal ah ay kasoo bixi doonan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here