Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa gaaray Magaalada Ankara ee Caasimada dalka Turkey-ga, waxaana halkaas Kusoo dhaweeyay madax ka tirsan Dowladda Turky-ga.
Safarka madaxweyne Farmaajo ee Magaalada Ankara waxa uu jawaab u yahay Casumaad uu ka helay Madaxweyne Erdogan, Madaxda labada wadan waxay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal, Turkiga ayaa Soomaaliya siiya taageero bani’aadinimo, mid dhaqaale iyo mid ciidan.




