Akhriso:-Xukuumadda Somaliland iyo Imaaraatka oo Kala Saxiixday Heshiis 7 qodob Ka Kooban

0

Xukuumadda Somali-land iyo Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si ramsi ah waxa ay u kala saxiixdeen heshiis 7 qodob ka kooban oo ku saabsan in
Dowladda Imaaraadku isticmaasho Saldhiga Malatari ee Magaalada Berbera.

Qodobada heshiiska waa sidan :

1-Somaliland waxay ogolansho siisay in Ciidamada Dowladda Imaaraadku isticmaalaan garoonka diyaaradaha ee Berbera.
Dowladda Imaaraadka inuu Garoon diyaaradeed oo cusub ka dhiso Berbera , kaasi oo ay isticmaali doonaan diyaaradaha rikaabka.

2-Jidka isku xira Berbera iyo Togwajaale oo dheerarkiisu yahay 250km ayaa ka mid ah mashaariicda la fulin doono.
-Mashaariic kale oo la fulin doono iyana waxay la xiriiraan Biyaha, Tamarta , Caafimaadka iyo waxbarashada. dhamaan mashaariicdaasi waxaa lagu fulin doonaa Saddexda sano ee soo socota.

3-Dowladda Imaaraadku waxay suuqyadeeda shaqo u furi doontaa muwaadinniinta Somaliland.

4-Dowladdu Imaaraadku waxay taageeri doontaa shirkadaha maalgashiga imaaradku inay maalgashtaan Somaliland

5- Imaaraadka iyo Somaliland waxay iska kaashan doonaan dhinaca Ammniga

6-Wuxu heshiiskan albaab cusub u furi doonaa Somaliland iyo Beesha Caalamka.

7-Ugu danbeyntii waxay labada dhinac isla garteen in Imaaraadku gargaar deg deg ah gaarsiiyo dadka Abaartu saameysay.

Heshiiskan waxaa dhinaca Somaliland u saxiixay Wasiirka Arrimaha dibadda Sacad Cali shire , halka dhinaca Imaaraadka uu u saxiixay Maxamed AL-
Zuweydi oo metalayey Dowladda imaaraadka.

Wafdiga Somaliland ee Jooga Abu Dubai waxaa hogaaminaya Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here