Akhriso:-Agaasimihii Guud ee La Dagaalanka Budhcad Badeeda Puntland oo Xilka Laga Qaaday

0

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo xil kaqaadis ku sameeyey Agaasimaha Guud ee ladagaalanka burcad badeeda Puntland, kadib markii Digreeto Xeer Madaxweyne Lr. ee March 19 2017 ay xafiiskiisa kasoo baxday.

Xeer Madaxweyne Lr. 29 ee March 19 2017, Kuna Saabsan Xil Kaqaadis Agaasimaha Guud Ee Ladagaalanka Burcad Badeeda Dowladda Puntland
Madaxweynaha Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasiirka dekedaha, gadiidka badda iyo lafagaalanka burcad badeeda
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo isbadalka iyo dardargalinta Agaasinka Ladagaalanka burcad badeeda Puntland

Waxuu xeeriyey:

Waxuu xilkii Agaasimaha Guud ee ladagaalanka burcad badeeda ka qaaday Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Ducaysane)

1. Xeerkani waxuu Dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo wuuna saxiixay
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Puntland

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here