War Deg Deg:-Weerar Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Jowhar

0

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hir-shabeelle ayaa ku waramaya in Goordhaweyd Tiro Hoobiyayaal ah lagu weeraray Hoyga Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Hir-shabelle Cali Cabdulaahi Guudlaawe.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga ee Maamulka hir-shabeelle oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in hoobiyayaasha si weyn loogu maqlay Gudaha Magaalada Jowhar islamarkaana bartilmeedka uu ahaa Hoyga Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Hir-shabelle Cali Cabdulaahi Guudlaawe.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in Hoobiyayaal kale ay ku dhaceen Suuqa Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga qasaaraha ka dhashay Hoobiyayaasha, iyo cidii ka dambeysay.

Wixii kusoo kordha kala soco Simbanews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here