Madaxweyne Farmaajo oo Booqanaya Mid Kamid ah Dalalka Qaarada Afrika

0

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa safar ku tagaya maalinta Khamiista ee Todobaadkaan dalka Kenya sida lagu sheegay war kasoo baxay Madaxtooyadda Kenya.

Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo ayaa ka qeyb galay gali doona shir gaar ah oo ay yeelan doonaan Madaxda Urur Goboleedka IGAD Kaasi oo ka dhici doona Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Afhayeenka Madaxtooyadda Kenya Manoah Esipisu ayaa sheegay in xiriir wanaagsan uu ka dhexeeyo Dowladaha Soomaliya iyo Kenya islamarkaana Madaxweynaha Soomaliya safarkii ugu horeeyay ee dhanka qaarada afrika uu ku tagi doono dalka Kenya.

“Waxay kawada hadli doonaan Madaxda Labada dal arrimo muhiin,ujeedka ugu weyn ee socdaalka Madaxweynaha Somaliya ee dalka Kenya waa in si qoto dheer loogu hadlo arrimaha Gobolka ka taagan, sidii loogu shaqeyn lahaa hormarka Gobolka”, ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyadda Kenya Manoah Esipisu.

Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Soomaliya oo loogu hadlaayo arinta dowladda Kenya ee ku aadan in Madaxweyne farmaajo uu Khamiista booqan doono dalka Kenya.

Dhanka kale Dowladda Soomaliya ayaa dhawaan ka carootay socdaalkii madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata uu ku tagay degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose, inkastoo Kenya ay sheegtay in socdaalkaas uu ahaa mid caadi ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here