Madaxweynaha Khaatumo iyo Wafdi uu Hogaaminayo uu u Duulay Dalka Jabuuti

0

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Dr Cali Khaliif Galaydh iyo waftigii wada hadalada Khaatumo iyo Somaliland u qaabilsanaa maamulka Khaatumo ayaa goordhaweyd ka duulay Garoonka Diyaaradaha Golley-yeedhay ee duleedka waqooyi ee degmada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Wafdigaan waxa ay ku wajahan yihiin Magaalada Djibouti ee xarunta dalka Djibouti halkaasoo wareegii sadexad ee wada xaajoodku uga furmi doono Maamulada Somali-land iyo Khaatumo State, kadib markii wajigii Labaad Guulo laga gaaray.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Cali Khaliif ayaa wararku sheegayaan inuusan ku hakan donen dalka magaalada Djibouti ee caasimada dalka Jabuuri, isagoo u gudbi doona dalka Isu taga imaaraadka Carabta oo uu kaga qaybgeli doono shirar xaalada abaaraha ah iyo arimo kale oo asaga u gaar ah.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili shalay Golaha wakiilada maamulka Somali-land ay ansixiyeen Wada-hadalada maamulada Somali-land iyo Khaatumo State, islamarkaana ay aqoonsadeen maamul jira khaatumo State.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here