Gudoomiyaha Maxkamadda magaalada kismaayo ee Maamulka jubba-land Sheekh Xasan Macalin Aadan oo mudooyinkii dambe xilka Maxkamadda Magaaladaas hayay ayaa saakay cadeeyay in uu Iska casilay xilkaas.
Sababta ka dambeysa in uu iska casilo xilkii uu hayay maamulka Jubba-land ee dhanka Maxkamada magaalada Kismaayo ayaa ku sheegay in uusan qaadanin Muddo bilooyin ah wax mushaar ah, amnigiisana u baqay islamarkaana taasi ay keentay in uu iska casilo xilkii u yahay maamulka.
Xiriiro ynu la sameenay mas’uuliyiinta maamulka jubba-land ee Magaalada Kismaayo inooma suurta galin in aan qadka taleefanka ku helno, si aan wax ugu weydiino cabashada Gudoomiyaha Maxkamadda magaaladaas ee Maamulka jubba-land Sheekh Xasan Macalin Aadan.

