Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaliya, kuwa Koonfur galbeed Soomaliya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay deegaan u dhaxeeya Baydhaba iyo Qansax-dheere ee Gobolka Baay.
Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaa la xaqiijiyay in qasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh ay soo kala gaareen dhinacyadii halkaas ku dagaalamay.
Cabdulle Isaaq oo ah Taliyaha Booliska gaarka ah ee Koofur Galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaliya, kuwa Koonfur galbeed Soomaliya ay ku guuleysteen in ay isku furan wadada xiriirisa Degmooyinka Baydhaba iyo Qansax-dheere ee Al-shabaab ay go’doomiyeen.
Sidoo kale Taliye Isaaq ayaa sheegay in 3-askari ay kaga dhinteen dagaalkaas islamarkaana dhanka Shabaab loogu dilay 7 Askari,3-na ay nolosha ku qabteen oo ay hadda ku hayaan saldhig ay ku leeyihiin Baydhabo.
Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Xarakada Al-shabaab oo loogu hadlayo dagaalkii xalay ka dhacay deegaan u dhaxeeya Baydhaba iyo Qansax-dheere ee Gobolka Baay ee Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya.






