War Deg Deg:-Xildhibaan Ka Tirsanaa Baarlamaanka Puntland oo Goordhaweyd Geeriyooday

0

Ala Ha u Naxariistee waxaa goordhaweyd isbitaal ku yaala Magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ku geeriyooday Xildhibaan Cabdulqaadir Faarax Bootaan oo kamid ahaa xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Puntland oo dhawaan ku dhaawacmay qarax gaarigiisa loogu xirey oo ka dhacay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Xildhibaanka ayaa dhaawiciisa loo qaaday dhawaan isbitaal ku yaala Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya,kadib markii uu si xun ugu dhaawacmay qarax gaarigiisa loogu xiray oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo dhanka Maamulka Puntland.

8-dii bishaan March ayuu Xildhibaan Cabdulqaadir Faarax Bootaan ku dhaawacmay qarax gaarigiisa loogu xiray oo ka dhcay Magaalada Gaalkacyo waxaana xiligaas la xaqiijiyay in dhaawac helis ah uu soo gaaray, taasi oo keentay in dalka dibadiisa loo qaado, mana jirin cid sheegatay xiligaas mas’uuliyadda qaraxa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here