Afhayeenka laamaha Amaanka Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid Carab) ayaa sheegay inay Dileen 6-sarkaal oo ka mid ah Xubnaha ugu sar sareeya Al-shabaab ka dagaalama Gobalada Jubooyinka kuwaas oo lagu dilay Weerar ka dhacay Deegaano ka tirsan Gobalka Jubada Hoose.
Saraakiisha la dilay ayaa waxaa ka id ah Aw-maxamed, iyo indho Buur oo al-shabaab u qaabilsanaa Gobalka Jubada Hoose
Afhayeenka qeybta Amniga Maamul Gobaleed Jubaland ayaa intaa hadlkiisa ku daray dilka saraashiii Al-shabaab uu wax badan ka badali doono Xaalada Amaanka Deegaanada Maamulkaasi.
Maamulka Jubaland ayaa Ciidamadiisa gaar ka ah ku amaanay Tilaabooyinka ay uqaadeen Dhanka Howlgalada lagu beesanayo Xunaha Al-shabaab oo ay sheegay inay Halis ku yihiin guud ahaan Amaanka Soomaaliya.

