Madaxweynihi hore soomaaliya xasan sheikh maxamuud iyo qoyskiisa waxa ay maanta ka dhoofeen garoonka diyaaradaha aadan cadde ee magaalada Muqdisho.
Xasan sheikh waxaa garoonka ku sii sagootiyay mas’uuliyiin uu kamid yahay gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya maxamed sheikh cusmaan jawaari.
Xasan sheikh iyo qoyskiisa ayaa la sheegay in ay sal dhigandoonaan oo ay si rasmi ah ugu guureen wadanka turkiga sida ay idaacadda simba wararka ku heleyso.




