Wararka ka imaanaya Magaalada Caluula ee Gobalka Barri ayaa ku waramaya in Ciidamada Badda maamulka Puntland ay badda iyo dhulkaba ka galeen magaaladaas, oo ay hada ku dhaw yihiin halka lagu haysto Markab lagu qabsaday shalay xeebaha Soomaaliya.
Waxaa la joojiyay gabi ahaanba dhaqdhaqaaqii ka socday dhinaca Xeebaha oo ay dadka u diideen in ay aadaan dhinaca Badda, waxayna doonayaan in la go’odoomiyo kooxaha burcada ah ee haysta Markabka laga leeyahay dalka Siralanka oo ay saaran yihiin Shaqaalo u kala dhashay dalalka Britain iyo
Finland.
Dhanka kale Saraakiisha ciidamada Badda Maamulka Puntland ayaa la sheegay in ay la kulmeen Waxgaradka, Odayaasha iyo dhinacyada magaalada Caluula oo ay kala hadleen arrimaha ku saabsan heysiga Markabkan.
Qaar kamid ah Ragga afduubtay Markabka laga leeyahay dalka Siralanka oo la hadlay warbaahinta deeganada maamulka Puntland ayaa sheegay in Markabka ay saaran yihiin ay saaranyihiin ajaanib gaaraysa 10 qof kuwaasoo qaybtood u dhasheen Filibin iyo Ingiriiska.

