Qarjab:-Talaabo ayaa Laga Qaadi Doonaan Dadka Ka Dambeeya Amni-daradda+Dhageyso

0

Wasiirka Amniga Maamulka Puntland Cabdi Xirsi (Qarjab) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in ay talaabo cad ka qaadayaan dadka ka dambeeya amni-daradda Puntland, isla markaasna ay gacan bir ah ku qaban doonaan.

Wasiir Cabdi Xirsi (Qarjab) ayaa sheegay in ay jiraan dad dano gaar leh oo doonaya In ay qalqalagaliyaan amniga deeganada Maamulkaas, islamarkaana aysan puntland marnaba ogolaan doonin arintaas.

Wasiirka ayaa cadeeyey in ay ciidamada Puntland awood u leeyihiin in ay si kasta uga jawaabaan fal kasta oo guracan oo ay kooxaha dambiilayaasha ah isku dayaan in ay ku dumiyaan amniga dawladda Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here