Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali kheyre ayaa kulan la qaatay taliska Ciidamada AMISOM ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaliya kuwaasi oo dowladda ka caawinaya dagaalka lagula jiro Al-shabaab.
Raisulwasaaraha ayaa kulanka la qaatay Ergeyga gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira, talisyada Ciidamada Malatariga AMISOM, iyo kan booliska Amisom ee Soomaliya.
Xasan Cali Khayre ayaa saraakiisha ka tirsan AMISOM ee uu la kulmay kala hadlay arrimaha amniga magaalada muqdisho iyo sidii loo sugi lahaa, madaama dhowrkii maalin aynu soo dhaafanay ay Al-shabaab ka geysteen dilal weeraro qorshaysan oo uu ugu dambeeyay kii lagu qaaday Hoteelka Wehliye.
Saraakiiisha la kulmay Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali kheyre ayaa usoo bandhigay hab cusub oo lagu xaqiijin karo amniga Magaalada muqdisho ee caasimada Soomaliya, iyo qaabka loogu adkaan karo Al-shabaab.
Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali kheyre ayaa horey ugu dhawaajiyay in Xukuumadiisa ay ka shaqeyn doonto Amniga dalka islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan dalka loogu saari doono Al-shabaab.



