Wararka haatan naga soo gaaraya Degmada Xamar weyne ee Gobolka banaadir ayaa ku waramaya in goordhaweyd uu halkaas ka dhacay qaraxa gaari lagu xiray.
Qaraxa ayaa ka dhacay Agagaarka Masaajidka Marwaaz ee Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir.
Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ku dhaawacmay 1-qof oo darawalkii gaariga waday ahaa, qof kalana wuu ku dhaawacamay sida goob-joogayaal ay u xaqiijiyeen idaacadda Simba.
lama oga ilaa haatan shaqsiga qaraxaas lala beegsaday iyo halka uu ka tirsanaa.

