Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxii goordhaweyd ka dhacay agagaarka Masaajidka Marwaaz ee Ku yaala Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir.
Qaraxa ayaa la sheegay in lala beegsaday Wariye C/xamiid Karazaay oo kamid ah Qeybta Editting Tv-ga Universal oo abaarihii 08:30-daqiiqo marayay agagaarka Masaajidka Marwaaz ee Ku yaala Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir.
Wariyaha ayaa la xaqiijiyay in uu soo gaaray dhaawac Culus islamarkaana dad kale oo ka ak dhawaa goobta ay ku dhaawacmeen qaraxa,waxaana dhaawiciisa loo qaaday Isbitaalka Madaiina.
Ciidamada amaanka Dowladda Soomaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa jiro baaritaan ay sameynayaan Ciidamada oo lagu ogaanayo ragii ka dambeeyay falkaan lagu dhaawacay wariyaha.







