Taliska CXD oo Lagu Edeeyay in Ciidamada ay u Hanjabaan+Dhageyso

0

Ciidamada Dowladda Soomaliya ee ku xareysan dugsiga Tababarka deegaanka Jaziirada ee haatan loo bixiyay Dugsiga Tababarka janeraal Dhaga-badan oo maanta Gadoodka sameeyay ayaa ku eedeeyay Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaliya iyo Abaandulaha Ciidamada Xoogga dalka Somaliyeed in ay ugu hanjabeen in xabsi la dhigi doono cidii cabasho muujisa.

Waxa ay sheegeen Askartaan Ka Tirsan MalatarigaDowladda Soomaliya in mushaar aan la siinin muddo 15-bilood ah islamarkaana tababarkii Xaruntaas loogu xareeyay ay dhameysteen muddo ka Hor.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in muddo 2-mar oo kaliyah ay booqasho ugu yimaadeen Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaliya Maxamed aadan axmed (Bood) iyo Abaandulaha Ciidamada Xoogga dalka Somaliyeed Jeneraal Cali Baashi, dhowrjeer ay kala hadleen mushaarkooda ay u hanjabeen.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed farmaajo ayay ka codsadeen in uu ka jawaabo cabashooyinka ay xiligaan qabaan islamarkaana la xisaabtan lala sameeyo Taliayayaasha Ciidamada Malatariga Dowladda Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here