Maxamed Daahir oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Booliska Ciidamada Dowladda Soomaliya oo warbaahinta kula hadlay halka ay Ciidamada Malatariga Dowladda Gadood ku sameyeen ayaa sheegay in la xaliyay Ciidamadii Godoodka sameeyay.
Waxa uu sheegay in sababta ugu weyn ay Gadoodka u sameyeen Ciidamada ay tahay Mushaar la’aan islamarkaana Madaxda Dowladda Soomaliya arintaas lagu wargaliyay, si deg deg ahna loo xaliyay cabashooyinka Ciidamada.
Taliye Maxamed Daahir oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Booliska Ciidamada Dowladda Soomaliya ayaa tilmaamay in Ciidamada Gadoodka sameeyay oo ahaa kuwa Malatariga Dowldda Soomaliya haatan ay dib ugu laabteen xirooyinkii ay markii hore kasoo baxeen.

