Wararka ka imaanaya magaalada Berbera ee gobolka Saaxil ayaa ku waramaya in shaqaalihii Soomalida ee dekadaas ka howlgalayay in ay dhigeen Banaan-bax ay kaga soo horjeedeen Shirkadda lagu wareejiayay Dakadda.
Shaqaalaha Maanta Banaan-baxa dhigay oo ahaa kuwa farsamada Dakadda qaabilsan ayaa sheegay in Shirkadda Cusub ee Dekadda La wareegtay ay ku wargalisay inay mushaar hoose ku shaqeeyaan ama ay shaqada ka tagaan.
Daqiiqado markii ay banaanbaxa wadeen ayaa waxaa la hadlay shaqaalaha Masuuliyiinta Dakadda Magaalada Berbera waxayna u sheegeen shaqaalaha inay isdejiyaan, lana xalin doono waxyaabaha ay ka cabanayaan.
Tan iyo markii Maamulka Somali-land iyo Dowladda Imaraadka Carabata ay kala saxiixdeen la wareegitaanka Dekadda iyo Saldhiga Magaalada Berbera, waxaa jirey cabashooyin ay muujinayeen shaqaalada Soomalida ee ka howlgalayay xarumahaas.

