Maamulka Tv-ga Universal oo War Kasoo Saaray Qaraxii Lagu Dhaawacay Wariye Karazaay+Dhageyso

0

Maamulka Tv-ga Universal ayaa ka hadlay qarax saakay gaarigiisa loogu Xiray Mid kamid Shaqaalaha tv-ga xaruntiisa Magaalada Muqdisho, kaasi oo la qarxiyay xili uu marayay Agagaarka Masaajidka Marwaaz ee Degmada Xamar Weyne.

Agaasimaha idaacadda u Agaasimaha TV-ga Universal ee Bariga iyo Bartamaha Africa C/laahi Kulmiye oo warbaahinta kula hadlay isbitaalka Madiina ee Magaalada oo wariyaha dhaawicii la gaarsiiyay ayaa sheegay in dhaqaatirta ay ku dadaalayaan caafimaadkiisa wariye C/xamiid Karazaay.

Agaasimaha TV-ga Universal ee Bariga iyo Bartamaha Africa C/laahi Kulmiye waxa uu sheegay in dhaqaatirta ay ku wargaliyeen in xaaladiisa ay wanaagsan islamarkaana uu qaraxa ka sameeyay garabka iyo sinta.

Sidoo kale Agaasimaha idaacadda u Agaasimaha TV-ga Universal ee Bariga iyo Bartamaha Africa C/laahi Kulmiye ayaa tilmaamay in Lamaaha amaanka Dowladda Soomaliya ay ku raad joogayaan ragii ka dambeeyay in qaraxa loogu xiro gariga wariyaha Jawaabna ay ku sugayaan laamaha amaanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here