Ciidamo ka Tirsan kuwa Malatariga Dowladda Soomaliya oo ka cabanaya Mushaar la’aan ayaa barqanimadii maanta ayagoo gadoodsan waxa ay xireen wadooyinka Magaalada Muqdisho.
Ciidamadaan ayaa xiray Isgoyska KM4, Wadda Maka-almukaram, waxayn wadooyinka ku jareen Dhagxaan,miisaska Jaadka, dadka shacabka oo kaliyah ayaa loo ogolaaday in ay isticmaalaan wadooyinka.
Ujeedka ay Godoodka u sameenayeen Ciidamadaan ayaa lagu sheegay Mushaar la’aan ay ka cabanayaam,waxaa Dowladda Madaxweyne Farmaajo ay ballan Qaaday in ay bixinayaan Mushaarka iyo Xuquuqda Ciidanka.




