Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Maamulka Somali-land Feysal Cali Waraabe oo wareysi kooban siiyay mid kamid Telefeshinada Soomalida ayaa sheegay in hadii uu madaxweyne ka ahaan lahaa Somali-land uu toogan lahaa qof walba oo taga koonfurta dalka Soomaliya islamarkaana ku noqda magaalada Hargeysa.
Feysal Cali waraabe ayaa tilmaamay in uu toogan lahaa iyadoo aan Maxkamad la geynin qof walba uu safar ku taga Koonfurta dalka Soomaliya, islamaarkaana lasoo damaashaada dadka koonfurta kasoo jeeda ee dib ugu laabto Somali-land.
C/maalik Muuse Caldoon oo arintiisa wax laga weydiiyay ayuu sheegay in uu toogan lahaa iyadoo aan Maxkamad lasoo taagi madaama uu Taageero u yahay maxamed C/laahi farmaajo oo ah madaxweynaha Soomaliya.
Sidoo kale Guddoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in uu toogan lahaa qof walba uu dhibaato u geystay Somali-land burburkii kadib oo haatan madax ka ah Dowladda Soomaliya waa siduu hadalka u dhigee.
Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Maamulka Somali-land Feysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay arinta ku aadan in magaalada Hargeysa caasimada Somali-land laga mamnuucay Marada Buluuga ee Astaanka Qarinimada Soomaliyeed.
Halkaan Hoose Ka Daawo Wareysi

