C/wali Gaas:-“Farmaajo Waan Wada Shaqaynaynaa, Haddii Aysan Dhankooda Wax Ka Iman”,

0

Maamul Goboleedka Puntland ayaa mar kale ku celiyay in ay la shaqeyn doonaan Dowladda Dhexe ee Federaalka Soomaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Madaxweynaha Maamulka Puntland dr C/wali maxamed Cali (Gaas) oo warbaahinta kula hadlay magaalada boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegay in ay si dhow ula shaqeyn doonan Dowladda Dhexe ee Federaalka Soomaliya waa hadii aysan noqon kuwii horey dalka usoo maray oo kale.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Farmaajo uu yahay saaxiibkiisa si dhow ay usoo wada shaqeeyaan, ayna wada shaqayn doonaan, haddii buu yiri aysan dhankooda wax ka iman, wuxuuna xusay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu yahay nin dhalinyaro ah oo wannaagsan.

Sidoo kale madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Gaas ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya looga baahan yahay inuu xiriir dhow la yeesho Baarlamaanka Soomaaliya iyo Hay’adaha kale ee wada shaqayntu ay kala dhaxayso.

”Madaxweyne Farmaajo cidda la rabo inuu xiriir dhow la yeeshee waa Barlamaanka aqal hoose iyo aqal sare, Garsoorka, gollaha xukuumadda iyo maamul goboleedyada, madaxweynuhu inuu shacabkiisa ku xiran yahay waa fiican tahay, laakiin shaqada dowladnimo cida ay dhexmarayso,” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here