Waxgaradka & Odayaasha gobalka Nugaal oo warbaahinta deeganada maamulkaas la hadlay ayaa kasoo horjeystay dhaleeceenta loo jeedinaayo Madaxweynaha Maamulkaas C/wali maxamed Cali gaas oo lagu dhaliilay in uu ku fashilmay hogaaminta Puntland.
Waxa ay sheegeen Waxgaradka & Odayaasha gobalka Nugaal in Madaxweynaha Puntland Dr C/wali maxamed Cali gaas uu yahay hogaamiyaha ku hobaan Puntland,waxayna digniino u jeediyeen siyaasiyiinta dhaliilaya Maamulka ee mar walba leh Puntland way fashilmatay.
Sidoo kale Waxgaradka & Odayaasha gobalka Nugaal ayaa sheegay in ay Puntland ka gudubtay habka qabaa’ilka, isla markaasna aysan jiri doonin cid ka hor imaan karta nabadda iyo daganaanshaha mandiqada Puntland.
Waxgaradkan waxay cadeeyeen in wax kasta oo la xariira Amniga iyo daganaanshaha loga dambeynayo Dawladda Puntland iyo Madaxdeeda dhanka Amaanka, dadweynaha waxay ugu baaqeen in ay nabadda kala shaqeeyaan dawladda.

