Wararka ka imaanaya magaalada kismaayo ayaa ku waramaya in ciidamada amaanka jubaland saakay ay qabteen waxyaabaha qarxa oo yaalay xaafada Farjano.
Ciidamada ayaa la sheegay in waxyaabaha qarxa ay gacanta ku dhigeen gaar ahan Miinooyin la sheegay in ay yaaleen xaafada farjano ee magaalada kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.
Holwgalada oo saakay bilowday ayaa la xaqiijiyay in ciidamada ay ka war heleen qaraxyo yaalay xaafada farjano islamarkaana saakay howlgalka uu sidaa ku bilowday.
Lama shaacin dad ay ciidamada u soo qabteen qaraxyada lagu qabtay magaalada kismaayo.

