Angela Merkel ayaa ka dalbatay dowladda Turkey inay joojiyaan isbarbar-dhigga dowladda Germany iyo waayihii Nazi.
Codsiga Markel wuxuu yimid markii dowladda Germany ay waddanka meelo kamid ah ka joojiyeen dad dibbad-taageero ah u muujinaayay madaxweynaha Turkey Mr, Erdogan.
Haddal-adag oo hadda kahor uu yiri madaxweyne Erdogan ayaa ahaa in dowladda Germany ay u dhaqmayso sidii Nazi oo kale.
Markel ayaa baarlamaanka Germany ka hor tiri, “Isbarbar-dhigga xilligii Nazi iyo waqtigan maaha midaan u dulqaadan karno waa in la joojiyaa”.
Markel waxay kaloo tiri, “Isbarbar-dhigga xilligii Nazi waa arrin murgo ah, mana aha mid cudurdaar laga dhigto”.
Waxay intaa ku dartay, “Marnaba ma ogolaan doono in dhibbanayaasha waqtigii Nazi loola dhaqmo sidii waxaan muhiim ahayn, waana in la joojiyaa arrintaas”.
Hadalka carada dhaliyay wuxuu yimid markii dhowr degmo oo Germany ku yaala ay diideen isku-soobax lagu taageerayo xisbi-xaakimka talada Turkey haya, si afti loogu raadiyo in Mr, Erdogan awoodda madaxweyne loogu ziyaadiyo, dadkaas waxaa u khudbayn lahaa wasiirro ka socday dowladda Turkey. Laakiin maamullada degmooyinkaas waxay ku andacoodeen in tirada dadka isku soo baxay oo badnayd darteed loo hakiyay dab ka dhalan karay iyo arrimo kale oo ammaanka ah.
Raysalwasaaraha Turkey Binali Yildirim ayaa warbaahinta Ankara kula hadlay oo yiri, “Dowladda Germany waxay dhinac isaga riixaysaa aftida aanu qaban doono”. Laakiin Binali masoo hadal qaadin hadalladii carrada dhaliyay ee ahaa NAZI.
Binali waxaa wax laga weyddiiyay hadalka Markel, wuxuu yiri “Waxaa laga yaabaa inay ku wareereen arrintan, howshani waa cod aanu u raadinayo HAA oo kaliya, haddiise ay soo farashagashanayaan howsha aanu wadno waxay ka dhigan tahay inay faraha kula jiraan afaaro waddan kale, waana khalad”.
Wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay, “Germany waa inay joojiyaan cabburinta ay ku hayaan dadkeena malaayiinta ah ee codkooda dhiibanaya kuna nool waddamadaas”.
Maxamed Jaamac Faarax
Radio Simba, Oslo, Norway.
Mjfaarah@gmail.com

