Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka Magaaladaas ay caawa wadaan Howlgal ay ku baadi-goobayaan ragii ka dambeeyay weerarkii qaraxa loo adeegsaday ee galabta lagu dhaawacay Xildhibaan ka Tirsan Baarlamanka Maamulkaas Puntland.
Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan oo kamid ah Baarlamanka Maamulka puntland ayaa lagu daweynayaan Isbitaalka Guud ee magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,waxayna Laamaha Caafimaadka isbitaalka ay sheegeen in Xildhibaanka lagu sameyn doono qaliin madaama uu sameeyay qaraxa.
Xildhibaan Cabdulqaadir Faarax Bootaan ayaa kamid ahaa Mudanayaasha sida weyn ugu ole-oleynayay sidii wax looga qaban lahaa xaalada Magaalada Gaalkacyo, wuxuuna dhawaan xog aruurin ku soo sameeyey xaaladda baahiyaaha ee bulshada gobalka Mudug.



