Kooxo Hubeysan ayaa goordhaweyd waxa ay ku dileen xaafadda Sanca ee Degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir Xasan Maxamuud Taakow (Macalin Shabeelow) oo kamid ahaa Gudoomiye waaxeedyada Degmadaas.
Ragga hubeysan ayaa la sheegay in Marxuumka ay ku dhufteen dhowr xabadood islamarkaama,ay u suurta gashay In ay goobta isaga baxsadaan markii ay dilka geysteen kadib sida goob-joogayaal ay u shegeen idaacadda Simba.
Dilka kadib waxaa goobta gaaray sida horey loo bartay Ciidamada amaanka Dowladda Soomaliya oo goobta ka sameeyay baaritaan lagu baadi-goobayay ragii ka dambeeyay dilka Macalin Shabeelow oo kamid ahaa Gudoomiye waaxeedyada Degmadaas.

