Dowladda Soomaliya ayaa maanta ku guuleysatay in dalka Turkiga ay u qaado 3 kamid ah qoysaskii ay waxyeelada kasoo gaartay hoobiyayaal lagu garaacay magaalada Muqdisho marki ay socotay xafladdii Madxweynaha Soomaliya Lagu Caleema-saaray.
Dadka maanta dowladda ay ku Guuleysatay in Xaaladda Caafimaad dalka Turky-ga loogu qaado ayaa waxay ay ahaayeen caruur kuwaasi oo ku waxyeeloobay Hoobiyayaashii Al-shabaab ay ku tureen Degmada Wadajir, balse waxay ku dhaceen guryo dad masaakiin ah ku noolaayeen.
Dadkaas waxaa garoonka diyaaraadaha Magaaalada Muqdisho ee aadan ku sagootiyey Madaxtooyada Danjire Cali Saciid Faqi iyo sidoo kale agaasimaha arrimaha bulsshada Cabdiraxmaan Timoos.
Dowladda Turky-ga ayaa saaxiib dhow la ah Soomaliya,waxaa haatan turkey-ga xaaladdo Caafimaad u joogo dad Soomaliyeed oo ku waxyeeloobay dagaaladii iyo qaraxyadii dalka ka dhacay sanadii dambe.



