Kooxo Hubeysan ayaa Galabta Degmada yaaqshid ee Gobolka banaadir waxa ay ku dileen mid kamid aheyd Haweenka ka shaqeeya Nadaafadda.
Dad goob-joogayaal ahaa oo la hadlay idaacadda Simba ayaa xaqiijiyay in labo dhalinyaro ah ay fuliyen falka lagu dilay hooyada Soomaliyeed oo magaceeda lagu soo koobay Shamo Xaaji, waxayna kamid ah Haweenka ka shaqeeya Nadaafadda..
Ciidamo ka tirsan Kuwa Dowladda Soomaliya ayaa goobta dilka uu ka dhacay gaaray sida horey loogu bartay waxaa jiray baaritaan lagu baadi-goobayay ragii ka dambeeyay dilka hooyada Soomaliyeed.

