C/laahi Maxamed Cabdulle (Saneey) Agaasimihii Waaxda Dab Damiska, iyo Soolarada Gobolka Banaadir oo maanta shir jaraaid ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in uu iscasilay.
Sababaha uu isku casilay ayuu ku sheegay agaasimaha kadib markii la waayay xaquuqdii iyo tixgalintii ay lahaayeen shaqaalihii uu mas’uulka ka ahaa ee Waaxda Dab Damiska, iyo Soolarada Gobolka Banaadir.
“Anigoo magacayga uu yahay C/laahi Maxamed Cabdulle (Saneey) ahna Agaasimihii Waaxda Dab Damiska, iyo Soolarada Gobolka Banaadir waxaan cadeynayaa in aan iska casilay xilkaas oo aan hayay muddo 4-sano ah,sababaha ugu weyn aan iskaga casilay xilka waxa ay tahay in la waayay xaquuqdii iyo tixgalintii ay lahaayeen shaqaalahii, howsha la qabanaayo waa mid aad u adag, shaqaalaha aan madaxda aan u ahaa ma aysan haysanin qalabyo, dabkii ugu dambeeyay ee ka kacay suuqa bakaaraha waxaa noogu waxyeeloobay dhowr shaqaalo”, ayuu yiri C/laahi Maxamed Cabdulle (Saneey).
Waaxda Dab Damiska, iyo Soolarada Gobolka Banaadir ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waday howlo aad u muhiin oo ay kamid ahaayeen daminta dababka ka kaca suuqyadda Magaalada Muqdisho.

