Dowladda Imaaraadka Carabta oo Beenisay inay Soomaaliya Kala Baxday Safiirkii u Fadhiyey

0

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa beenisay inay Soomaaliya kala baxday safiirkii u fadhiyey sababo xagga xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka oo xumaaday, kadib markii Dowladda Soomaliya ay Kasoo horjeysatay Heshiiska Imaaraadka Carabata iyo Somali-land ee Saldhiga Magaalada Berbera.

Mid kamid ah Saraakiisha Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inaysan jirin hadalada dhawaan la isla dhexmarayey ee ahaa inay Imaaraadka kala baxday safiirkii Soomaaliya ee Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.

Waxa uu sidoo kale beeniyay sarkaalkaan kamid ah shaqaalaha Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho wararka ku aadan in imaaraadka uu ka shaqeynayo kala geynta shacabka Soomaliyeed islamarkaana heshiisyo aan sharci aheyn la galayaan Maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Beeninta Dowladda Imaaraadka carabta ee ku aadan in Soomaliya ay kala baxeyn safiirkii u fadhiyey, ayaa kusoo aadaysa xili 4-tii bishaan ay soo baxeyn warar ku aadan in wasaaradda Arrimaha Dibada Abu Dubai ay u yeertay Safiirka, kadib markii Dowladda Soomaliya ay ka hor timid hehiiska Imaaraadka Carabta iyo Somali-land ee Saldhiga Magaalada Berbera.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here