Akhriso:-Maamulka Gobolka Banaadir oo Xilkii Ka Qaaday Agaasimihii Waaxda Dab-damiska Dowlada Hoose

0

Warqad qoraal ah oo laga soo saaray xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ( Madaale) ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday Agaasimihii Waaxda Dab-damiska dowlada hoose Xamar Cabdullaahi Maxamed Cabdulle ( Saney) oo maanta dhankiisa sheegay inuu is casilay kadib markii la bixin waayay xaquuqdii ay lahaayeen Shaqaalaha.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ( Madaale) ayaa Agaasimihii Hore ee Waaxda Dab-damiska dowlada hoose Xamar u magacaabay Xilka Agaasimaha waaxda arrimaha dibada Dowladda Hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here