Madaxweynaha dalka Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay wax ka qabashada abaarta daran ee ku dhufatay qaar kamid ah wadamada bariga afrika ee Soomalia qeyb ka tahay.
Madaxweynaha Turkiga ayaa bartiisa Twitterka uga dhawaaqay ololo loogu gurmanayo dhowr dal oo abaaro ba’an ay ku dhufteen, isla markaana ay ka taagan xaalad aad u xun oo laga deeriyey, wuxuu sidoo kale sheegay in dowladiisa ay sameyn doonto Olale lacago loogu aruurinaayo dadka abaarta ay ku saameysay Gobolada dalka Soomaliya.
“Wadamada Bariga afrika Sida Soomalia, Kenya iyo Ethopia iyo Sudan waxaa ka jira abaar aad u daran ka dowlad ahaan waxaan ka qeyb qaadan doonaa u gurmashada dadkaas, indhaha kama laaban doono codsiga noogu imaanaya dadka abaarta ay saameysay, waan caawin doonaa”, ayuu yiri Madaxweynaha dalka Turky Recep Tayyip Erdoğan.
Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa sameysay akoono gaar ah oo dadka reer turki ay ugu deeqayaan abaaraha ka taagan dalalka ay kamid tahay Soomaaliya waxaan sidaas ku baaqay madaxweynaha.
Dowladda Soomaliya ayaa dhawaan ugu baaqday beesha caalamka in ay ka qeyb qaadato u gurmashada dadka ay saameysay abaarta ka jirta Gobolada dalka Soomaliya, oo haatan gaartay meeshii ugu darneed.

