Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay xarunta Madaxtooyadda Soomaliya ku qaabilay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi carabey ahna ku-simaha Madaxweynaha Maamulkaas oo dhawaan iscasilay.
Labada Mas’uul ayaa kulanka ay yeeshaan waxa ay kaga wada hadleen xaaladda Dowlad Goboleedka Galmudug iyo doorashada madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug oo 22-ka bishaan March ka dhacaysa Magaalada Cadaado kadib markii uu iscasialy C/kariin Xuseen Guuleed 19-kii bilood aynu soo dhaafnay hogaaminayay maamulka.
Maxamed Xaashi Cabdi carabey oo ah ku-simaha Maamulka Galmudug ayaa sheegay in la diyaariyay Guddigii loogu talagalay doorashada madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug islamarkaana ay rajenaynayaan in si guul ay kusoo dhamaadaan arrimaha doorashada oo dhawaan la qabanayo.
Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo) ayaa sheegay in ka dowlad ahaan ay garab taagan yihiin dowlad Goboleedka Galmudug islamarkaana wakiilo ka socda dowladda dhexe ee Soomaliya ay kor joogta ka noqon doonaan doorashada madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug oo cadaado ka dhacaysa.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka digay in la musuq-maasuqo ama gacan bidxeeysi lagu sameeyo doorashada madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug, wuxuu xildhibaanada ugu baaqay in ay doortaan mas’uul wax ka badali kara Galmudug.

