Madaxweyne Gaas oo Lagula Taliyay in uu Ka Guuro Madaxtooyadda Puntland ee Garoowe

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali maxamed Cali (Gaas) oo mudooyinkii dambe howlo shaqo dalka kaga maqnaan islamarkaana shalay soo laabtay ayaa lagula taliyay in muddada uga dhiman xilkiisa ku shaqeeyo magalaada Bosaaso ee Gobolka Bari.

Gudoomiyaha Barlamanka Maamulka Puntland Axmed Cali Xaashi, Madaxweynaha Puntland taladaan siiyey isagoo xusey in mid lamid ah horey u siiyey dowladii uu Madaxweynaha ka ahaan jirey AHN Cadde Muse ayna shaqeysay.

Sidoo kale xogta la helay ayaa sheegeysa in soo jeedinta Axmad Cali Xaashi uu diidey madaxweyne ku xigeenka Puntland iyadoo muddooyinkii dambe uu xumaa xiriirka shaqo ee u dhexeeya labada mas’uul ee ugu sareeya Puntland.

Guddoomiyaha Barlamanka Puntland ayaa ku fasirey sababaha aan loogu shaqeyn karin magaalada Garowe ay tahay madaama xildhibaanada golaha wakiilada intooda badan diidan yihiin xaalada Puntland ku sugan tahay waqtigan (Hostile Parliament) halka dhinaca kale hoos u dhac weyn ku yimid kalsoonida shacabka dagan magaalo madaxda Puntland ku qabaan xukuumada talada haysa sidaa darteed uu mucaaradku ku badan yahay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here