Dowladda Ethopia ayaa maamulka Somali-land gaarsiiyay deeqo raashin ah kadib markii deeganada Maamulkaas ay saameyn ku yeeshen Abaaraha ku dhuftay Gobolada Woqooyi ee Maamulkaas.
Ethopia ayaa Deeqda ay gaarsiiyay Somaliland waxa y ku rarneed 16 gaari nooca xamuulka ah, waxaana deeqdaasi loogu tallo galay in la gaarsiiyo dadka saboolka ah oo ay saameynta ba’an ku yeesheen Abaaraha.
Deeqdaasi ayaa dowladda Ethopia waxa ay soo marisay maamulka DDSI oo iyagu ku wareejiyay wakiilo Madaxtooyada maamulka Somaliland u xilsaarnaa guddoonka deeqda.
Deeqdaani ayaa ka kooban Bur, Bariis, Saliid, Caano, Cabitaan iyo Raashiin kale oo dhowr nooc ka kooban, sida ay sheegen Saraakiil ka tirsan maamulka Madaxtooyadda Xukuumadda Somaliland.




